Animation

Xasaasi Dhageyso: Hanti dhowraha guud ee qaranka oo hadal lama filaan ah kasoo saaray dilkii Allah ha unaxariistee Marxuum Cabaas Siraaji

no responses
Thursday May 4, 2017 - 10:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hanti-dhowraha guud ee qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa hadal lama filaan ah kasoo saaray dilkii Allah ha unaxariistee Marxuum Cabaas Cabdullahi Siraaji, kaas oo ay dileen ilaaldiisa gaarka ah.

Dilkan oo ka dhacay  banaanka madaxtooyadda Villa Somalia ayaa waxaa uu Hanti-dhowraha qaranku sheegay inuu si shil ah ku dhacay.

Ugu horeynt hanti-dhowraha qaranka ayaa qoyskii wasiirka iyo shacabka Soomaalliyeed uga tacsiyeeyay geeridiisa waxaana uu yiri ” Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Walaalkey Cabaas, Shil ayaana dhacay, waxaana arintaas uga tacsiyaynayaa qoyskiisii iyo shacabkiisa”.

Hanti-dhowraha ayaa dhanka kale sheegay inuu aad uga xun yahay geeriga marxuumka, isla markaana ay si shil ah arintaas ku dhacday kadib markii ay ciidamo halkaas ku wada sugnaa kala shakiyeen.

“Askarta ayaa isku soo dhawaatay, isqoonsatay kadibna isxabadeysay Waana Shil ku dhacay is afgarasho la’aan iyo kala shaki, walaalkey ayaana ku baxay, aadbaana uga xumahay arintaas”ayuu yiri Hanti-dhowre Dr Cabdi-Nuur.

Hanti-dhowraha ayaa dhanka kale sheegay in isaga, Ra’isul Wasaare Kheyre iyo gudoomiyaha Barlamaanka ay meydka marxuumka ugu tageen isbitaalka, ayna ka wada hadleen in si madax banaan loo baaro qaabkii uu falkaas dilka ah udhacay.

Inkastoo hanti-dhowraha uu sheegay in isra saasaeyn ay dhex martay ciidamadiisa iyo ciidamo uu watay wasiirka la dilay, hadana waxaa la xaqiijiyay in wasiirka dhintay uusan wax ilaalo ah laheyn.

Si kastaba, waxaa soconaya baaritaan xoogan oo lagu ogaanayo hadii falkaas uu ahaa mid loogu talagalay iyo hadii kale.

Halkaan ka dhageyso codka