Animation

Xasaasi Dhageyso: Guddiga Doorashooyinka Dadban oo Digniin Culus u diray Maamul Goboleedyada Dalka

no responses
Thursday October 6, 2016 - 4:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa soo saaray digniin kama danbees ah oo ku aadan waqtiga doorashada Soomaaliya gaar ahaan Xilliga la soo gudbinayo Xubnaha Aqalka Sare ee laga sugayo Dowlad Goboleedyada.

Shanta October  oo ku beegneyd Shalay ayaa la filayay in Guddiga Doorashooyinka loo soo gudbiyo Xubnaha Aqalka sare ee Dowladda Soomaaliya,balse Guuddigu waxaa uu sheegay inuu Dib u dhac ku yimid waxaana Maamul Goboleedyada uu Guddigu ugu baaqay in ay Labo Maalin oo Maanta ku jirto ay u soo gudbiyaan Guddiga Doorshooyinka Dadban.

Afhayeenka Guddiga Keynan ayaa shaca ka qaaday in maamul goboleedyada looga baahan yahay in laba maalmood ay haystan oo ay  ku soo gudbiyaan xubnaha aqalka sare.

Dhanka kale Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xubnihii Aqalka sare ee Koofur Galbeed ka imaanaya ay Diyaar yihiin oo uu Guddiga Doorshada u gudbin doono.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka