Animation

Xasaasi Dhageyso: General Koofi Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo si Layaab leh uga Hadlay Soomaalida laga soo Celinaayo Qaar kamid ah wadamada Yurub

no responses
Monday October 31, 2016 - 12:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa markii Ugu Horeysay waxa uu ka Hadlay Arinta la Xiriirta in Dowladaha Yurub qaarkood ay Dalka kusoo Celinaya Muwaadiniin Soomaliyeed oo Dadlkaasi ku Nool .

General Koofi wuxuu sheegay in Dowlada Federaalka iyo Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya aysan waxba kala socon wararka sheegaya in Dowlada Norway ay soo celisay Qaxoot Soomaliyeed.

Mar wax laga weydiiyay General koofir in Dowlada ay heshiis la gashay Dalalka qaar ee yurubta ku yaala heshiiskaasi oo la Xiriiira Soo Celinta Qaxootiga Soomaliyeed ayaa waxa uu ku jawaabay” ma jiraan wax Heshiis ah oo ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dalal ka mid ah Yurub oo laga soo Celiyo Qaxooti Soomaali mana dhici doonto in soomaliya ay heshiis kula gasho dalalka yurub in muwaadiniinteeda dalka si qasab ah lagu soo celiyo”

Koofi ayaa xusay in ay jiraan Muwaadiniin Iskooda ugu soo laabtay Gudaha dalka iyagoo aan lagu qasbin ayey dalkooda kusoo laabteen waa siduu sheegay koofi.

Mar uu ka hadlaayay in Baasaboorka Soomaliya lagu bixiyo Laaluush ayuu sheegay in uusan ka war heyn meel laaluush lagu bixiyo si laguu siiyo baasaboor soomali ah wuxuuna Codsaday hadii ay arintaasi jirto Cidii xog ka heysay in  isaga ay la socodsiiso xetaa uu Abaalmarin ku bixin doono Xogtaas Cidii Keentaa.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka