Animation

Xasaasi: Dhageyso Galmudug oo Wacad ku Martay in Dagaal ay Kaga saari doonto Ahlusunna Deegaanada ay Maamulaan

no responses
Thursday October 13, 2016 - 9:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maalintii shalay Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay dagaal kula wareegen Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa Mamulka Galmudug wuxuu wacad ku maray in dagaal uu kaga saari doono ahlusunna Deegaanada ay kaga suganyihiin Galgaduud.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur “Taardhuleed”ayaa sheegay in Galmudug aysan u dul qaadan doonin Talaabooyinka ay wadaan Ahlusunna islamarkaana ay ka saari doonaan Degaanada ay hadda Gacanta ku hayaan.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa intaa ku daray in Galmudug lagu qasbay Dagaalka ay la gashay Ahlusunna islamarkaana Galmudug aysan Aqbali doonin in Degaanada Galmudug Xasilooni daro laga Abuuro.

“Dagaalkii ka dhacay Degaanka Godinlabe waxaa qeyb ka ahaa Puntland,marka Galmudug ma Aqbali doonto in Ahlusunna ay Puntland u soo Adeegsato Burburinta Galmudug”ayuu yiri Taardhuleed.

Hadalka Wasiirka Amniga Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay uu shalay ka dhacay degaanka Godinbale ee Gobolka Galgaduud,welina Xiisadda Dagaalkaas halaa laga dareemayo.

Deegaanka Godinlabe Hada waxaa ku wada sugan Ciidanka Galmudug iyo Maleeshiyada Ahlusunna .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka