Somali News Top News

Xasaasi Dhageyso: Galmudug oo Markii ugu horeysay ka hadashay Raashin Gargaar ah oo la sheegay inuu u xayiranyahay Nin Ga…….

Iyadoo dhawaan Maamulka Galmudug lagu eedeyay in ay Musuq maasuqeen Raashin Gargaar ah oo loogu tala galay Dadka ay Abaartu saameysay ayaa waxaa Markii ugu horeeyay ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka  Wasaaradda Gargaarka iyo Arimaha Beni’aadannimada Galmudug Shire Xirsi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in Raashinka Gargaarka ah ee u xayiranyahay Shaqsiyaad uu ku sheegay in Ganacsato ay yihiin.

Shire xirse waxa uu intaa ku daray in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu dhawaan Warqad qoraal ah kasoo saaray Raashinkaasi gargaarka ah ee shaqsiyaadka u xaniban waxaana Madaxweynuhu uu dalbaday in la Fasaxo Raashinkaasi si loo gaarsiiyo qoysaskii loogu tala galay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wasiir Xirsi

Related posts

Daawo: Wareysi Kaa Ilmeysiin doono oo laga qaaday Orodyahanadii Soomaliya u Matalaayay Ciyaaraha Olombiga ee Rio2016

Tifaftiraha K24

Xiliga la qabanayo Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle oo la shaaciyay

admin

Maxkamad dil toogasho ah ku xukuntay nin barta facebooka ku aflagadeeyay Nabi Maxamed NNKH

Tifaftiraha K24