Animation

Xasaasi Dhageyso: Ciidamo Kumaandoos ah oo Maanta lagu Arkay Magaalada Galkacyo Maxaase hada ka cusub Magaalada????

no responses
Friday November 25, 2016 - 2:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamado ka tirsan kumanadooska Soomaliya ayaa Maanta la geeyay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay la shaqeyn doonana gudiyadii nabadeynta Gaalkacyo ee kala Matalayay Galmudug iyo Puntland.

Ujeedka Ciidankan ay u gaareen Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay sidii ay u ilaalin lahaayeen heshiiska nabadeed ee ay dhowaan kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Imaashaha Ciidamada ka socda Danab ayaa la sheegayaa in ay ka dambeysay kadib markii Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland iyo R/wasaaraha ay isku afgarteen in Gaalkacyo la Geeyo si ay u xaqiijiyaan hirgalinta kala qadista ciidamada iyo xabad joojintii la gaaray.

Gudoomiye ku xigenka Dhinac Siyaasada iyo Amniga ee Gobolka Mudug Cabdi Xusen oo la hadlay Warbaahinta ayaaa sheegay in ciidmadani ay la shaqeyn doonan gudiyada nabadeynta Gaalkacyo iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka