Animation

Xasaasi: Dhageyso Cali Khaliif Galeyr oo ku Dhawaaqay War Lama Filaan ah Kadib Markii ay soo Baxeen warar sheegaya in…..

no responses
Sunday October 2, 2016 - 12:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu Been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Khaatumo ay ku biireyso maamulka Soomaliland.

Cali Khaliif galeyr ayaa shaaciyay in Uu Bur buray Wada Hadalkii u dhaxeeyay Khaatumo iyo Soomaliland.

Galeyr wuxuu Eeda Dusha uga tuuray maamulka Soomaliland in ay ka Dambeyso wada hadalada Burburay maadama buu yiri Soomaliland ay kala qeybin ku Sameyneyso Khaatumo iyadooda Kulamo goon gooni ah la qaadaneyso Masuuliyiinta Khaatumo siduu sheegay Madaxweyne Galeyr.

Khaatumo ayaa Dhawaan wada hadal la furtay Maamulka Soomaliland waxaana warar horay usoo baxay ay sheegayeen in Madaxweynaha Khaatumo uu ku qancay in uu la Midoobo maamulka Soomaliland Balse Warkaasi waxaa Hada Beeniyay Cali khaliif Galyer oo si Cad u sheegay in uu Bur buray Wada hdalkii u dhaxeeyay Khaatumo iyo Soomaliland.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweyne Galeyr