Animation

Xasaasi: Dhageyso Amisom iyo Koonfur Galbeed oo Si Wada Jir ah War uga soo saaray Colaada Marka iyo heshiis la sheegay in…..

no responses
Monday September 26, 2016 - 12:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu soo gaba gabeeyey shir muddo afar maalmood ah uga socday odayaasha dhaqanka beelo muddooyinkan danbe ku dagaalamayey magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Odayaasha laba dhinac ayaa gaba gabadii kulanka waxay isla gaareen heshiis lagu joojinayo colaada labada dhinac. Sidoo kale waxaa lagu baaqay in gargaar dag dag ah lala gaaro dadka ay colaadaha saameeyeen ee magaalada Marka.

Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Nuur Caraale oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid xal looga gaaraayo colaadii mudadada ka dhex taagneyd Beelaha Habargidir iyo Biimaal.

Waxa uu sheegay Magaalada Marka inay u baahan tahay ciidamo ka shaqeeya suggida ammaanka Magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada Amisom ee Gobolka Banaadir iyo Shabellaha hoose, ayaa dhankiisa sheegay nabadda Magaalada Marka inay ka dhigan tahay Gobolka Shabellaha hoose oo helay ammaan buuxa.

Beelaha Habargidir iyo Biimaal ayaa dhowr mar waxaa la kala dhex dhigay Heshiisyo nabadeed oo ku aadan inay meesha ka saaraan colaadaha labada dhinac, hayeeshe taasi waa ay suurageli weysay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codadka