Animation

Xasaasi: Deegaanka Godinlabe oo Maanta lagu Rasaaseeyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Horayna usoo Noqday Wasiir+Magaciisa iyo qasaaraha ka dhashay

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 10:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in Kooxo Hubeysan ay Rasaas ku Fureen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya Horayna usoo Noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud iyo Wafdi Oday Dhaqmeed ah oo Maraayay Deegaanka Godinlabe iyagoona kusii Jeeday Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu Furay Rasaas waxaana la sheegay in Rasaasta ay ku fureen Maleeshiyo aan Heybtooda la Aqoonsan.

Ma jirto wax qasaaro ah oo ka soo gaadhay Xildhibaanka iyo Odayaasha la socday waxaana Wafdiga ay ku laabteen Magaalada Dhuusa-mareeb oo Markii Hore ay kasoo baxeen kuna sii jeeday cadaado.

Masuuliyiinta Ahlusunna ee Dhuusa-mareeb kama aysan hadlin Rasaasta lagu furay Xildhibaanka iyo oday Dhaqmeedayada la socday iyo weliba Cida ka Dambeysa.