Animation

Xasaasi: Ciidamo Gadoodsan oo ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa La Wareegay Bangiga Magaalada Garoowe Kadib markii la sheegay in…..

no responses
Sunday September 25, 2016 - 5:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamo Gadoodan oo ka tirsan PIA-da ay la wareegeen Bangiga Magaalada Garoowe.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka Careysanyihiin Mushaar la’aan Mudo soo food saartay waxaana ay Maanta iyagoo Hubeysan ay la wareegen Xarunta Bangiga ee Magaalada Garoowe.

Ciidanka PIA-da ayaa Puntland u qaabilsan Dhinaca Daba galka iyo Muqaabaraadka, waxayna horay uga mid ahaan jareen ciidamada PSF, Balse waxaa la kala qaaday Xiligii C/Raxman Faroole uu Madaxweynaha ka aha Puntland.

Maamulka Puntladn weli kama aysan Hadlin Ciidankaan Gadoodka Sameeyey ee Maanta la wareegay Bangiga Dowlada ee Garoowe Mana ahan Markii ugu Horeysay oo Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay Sameeyaan Gadood Iyagoo ka Cabanaya Mushaar la’aan