Animation

Xasaasi: Ciidamada Jubbaland oo Maanta la Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Hoos yimaada Magaalada…..

no responses
Monday November 28, 2016 - 8:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxaan ka helynaa Howlgalo qorsheysna oo Ciidamada Maamulka Jubbaland ay ku qaadeen Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamo aad u hubeysan oo Jubbaland ka tirsan ayaa Maanta u dhaqaaqay in ay la wareegaan Deegaano dhowr ah oo Alshabaab ay ku suganyihiin waxaana la sheegay in Ciidamada ay Horumar balaaran ka Sameeyeen Howlgalkooda.

Deegaanada ay Maanta la wareegeen Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Deegaanada Birta dheer iyo Buulo gaduud halkaas oo ay horay u maamuli jireen Al shabaab balse ay ka baxeen Markii ay ka war heleen in Guluf xoogan uu ku soo wajahanyahay.

Ciidamada ayaa usii Ruqaansdaay Deegaano kale waxaana Saraakiisha Howlgalka Hogaamineysa ay sheegen in Howlgalkaan lagu Qaban doono deegaano dhowr ah oo Jubbada Hoose ka tirsan