Animation

Xasaasi: Ciidamada Ammaanka oo Toogasho ku dilay Mid kamid a Dableydii Cawada Fiidkii Dagmada Hodan ku dishay Gaashaanle Sare……

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 8:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Cawada Fiidkii Dagmada Hodan ay Kooxo Hubeysan ku dileen Gaashaanle sare oo ka trsan Ciidanka Milatariga ayaa warar hada soo baxaya waxa ay sheegayan in Ciidamada Ammaanka ay Dileen mid kamid ah Kooxdii dableyda aheyd ee Dishay Allaha ha u Naxariistee Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoga Dalka ayaa warbaahinta u sheegay in Kooxda dilka geysatay ay ahaayen Laba Ruux oo Bastoolado ku hubeysan iyagoona dilay Gaashaanaha kadibna isku dayay in ay baxsadaan balse Ciidamada Ammaanka ay Eryaden kadibna ay toogteen mid kamid ah Kooxihii dilka geestay halka midka kalana uu baxsaday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta Dowlada u sheegay in Ciidamada Ammaanka ay toogteen Mid kamid ah Laba ruux oo Dagamda hodan ku dishay Gaashaanle sare oo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka .

Xalane wuxuu sheegay in Labada nin mid kamid ah uu baxsaday Halka midka kalana uu ku Cararay Masaajid goobta ku yiilay isagoona isku dayay in Ciidamada uu ka baxsado Balse markii dambo Ciidamada ay toogteen sida uu Xalane warbaahinta u sheegay.

C/fataax Cumar Xalane ayaa sidoo kale sheegay in goobta ay gaareen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ,waxaana goobta lagu soo bandhigay Meedka Ninka ay toogteen Ciidamada Ammaanka iyo bistooladii uu sitay.