Animation

Xasaasi: Beesha Caalamka oo Baaq u muuqday Hanjabaad deg deg ah u dirtay Xildhibaanada Labada Aqal

no responses
Monday January 23, 2017 - 10:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Beesha Caalamka ayaa si deg deg ah ugu baaqday Xildhibaanada labada Aqal ee Dowladda Federalka Somaliya inay si deg deg ah u soo dhisaan Guddiga ka shaqeynaya Doorashada Madaxweynaha Somaliya.

War ka soo baxay Beesha caalamka ayaa loogu baaqay Xildhibaanada labada Aqal de dejinta Guddiga ka shaqeynaya Doorashada Madaxweynaha Somaliya xilliga ay dhaceyso.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo Xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale Xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Somaliya.

”Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda  ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana Xildhibaanada  ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qanci karaan bulshada Somaliyed iyo sidoo kale Beesha Caalamka.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

“Somaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka  waxa ay fursad u leeyihiin inay doortaan  hoggaan kaasi wax ka qaban kara  baahida aasaasiga ah muwaadiniinta. ” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.