Animation

XASAASI: Arsenal Oo Lumineysa Mid Kamid Ah Xiddigaheeda Laf Dhabarta Ah (Tolow Waa Kee???)

no responses
Wednesday September 14, 2016 - 12:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Kooxda Arsenal ayaa maalmo ka hor shaaca ka qaaday inay heshiis cusub ka saxiixi doonto labadeeda xidig ee ugu muhiimsan Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez.

Balse haatan The Mirror ayaa qoreyso in Gunners-ka ay halis ugu jiraan inay Alexis Sanchez lumiyaan marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Waayo xidiga reer Chile ayaa maamulka Arsenal ka dalbaday in mushaarkiisa £35,000 dheeri ah loogu daro lacagaha uu haatan garoonka Emirates ka qaato.

Sanchez qandaraaskiisa wuxuu ku eg yahay sanada 2018 wuxuuna haatan todobaad walbo Arsenal ka qaataa £140,000.

Balse wuxuu sheegay inuu heshiis cusub saxiixi doono hadii mushaarkiisa la gaarsiiyo £175,000 todobaad walbo waana arin aad ugu adag maamulka Arsenal sameeyaan.

Sanchez ayaa Arsenal u dhaliyay 43-gool asigoo u saftay 97-kulan wuxuuna kooxdan kusoo biiray sanadii 2014 weliba goolkiisii ugu dambeeyay Arsenal wuxuu u dhaliyay cayaartii ay bar bar dhac 1-1 la galeen naadiga PSG kulan ka tirsana champions league.

Facebook Comments