Somali News

XASAASI: Ahlu Sunna Oo Odayaal Ku Xirxirey Deegaan Galgaduud Ka Tirsan, Iyagoona……………..

Ciidanka Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa Illaa Shan Oday ku Xiray Degaanka Bali-howd ee Gobolka Galgaduud islamarkaana hoostaga Magaalada Guriceel.

Xariga Odayaasha ayaa yimid ka dib markii Odayaashaasi la sheegay in ay u socdaali rabeen Magaalada Cadaado oo hadda Galmudug u ah Xarun KMG ah.

Ahlusnna ayaa horay u soo saartay amar ah in Dadka ku nool Goobaha ay Maamusho aysan tagi karin Magaalada Cadaado oo Galmudug u ah Caasimad KMG ah.

Dhanka kale Saraakiisha Ahlusunna weli kama hadlin Odayaasha ay ku xireen Degaanka Bali-howd ee Gobolka Galgaduud.

Related posts

Gudomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe oo…

admin

TOP NEWS: Maxaadan ogeyn oo C/wali Gaas uu Muqdisho u yimid xili maalmo kooban ay ka harsantahay Doorashada Madaxtinimada???+Sawirro

Tifaftiraha K24

Soo Xulista Xildhinaanada Galmudug oo mar kale dib u dhacay iyo Caqabado cusub oo ….

admin