Animation

XASAASI: Aguero Oo Kooxdiisa Manchester City U Saxiixey Heshiis Cusub, Iyadoona……………

no responses
Friday September 16, 2016 - 11:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa kordhin doona qandaraaska uu kula joogo kooxda Manchester City isagoo gaarsiin doona ilaa 2020,

Waxa uu doonayaa inuu sii wato qaab ciyaaareedka wanaagsan ee kooxdiisa uu kula bilowday xilli ciyaareedkaan.

Aguero ayaa hadda loo arkaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican Premier League iyadoo 28-sano jirkaan uu sidookale kamid yahay weeraryahanada guud ahaan kubada cagta ugu wanaagsan.

Tan iyo markii uu u dhaqaaqay kooxda Manchester City, Sergio Aguero ayaa dhaliyay 145 gool 213 kulan oo tartamada oo dhan kasoo muuqday ,waxaana sidookale uu dhaliyay hat-trick – Labaad ee xilli ciyaareedkaan habeenkii arbacada kulankii kooxdiisa 4-0 kaga badisay Borussia Monchengladbach.

Aguero ayaa u saxiixay heshiis shan sanno ah kooxda Manchester City 2014, laakiin heshiiska ayaa fursad wuxuu u fursad u siinayay inuu sannad kale oo dheeraad ah dooran karo.

Warbixinta waxay sheegtay in Guardiola uu ka dhaadhicinayo Aguero uu sii joogo kooxda si ay ugu guuleystaan tartanka Champions League.

Facebook Comments