Animation

Xasaas Dhageyso: Galmudug oo Kenya ku Wareejisay Haweeneydii afduubka loo heystay oo ay soo Bad baadiyeen Ciidamada Galmudug

no responses
Monday October 31, 2016 - 10:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay Kenya ku Wareejiyeen Louis Njoki ah Haweeney 41 Jir ah una dhalatay Kenya islamarkaana Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ay Habeyn hore Xoog uga soo furteen Koox Burcad Badeeda ah oo  u Afduubneyd mudo dhan 18 Bilood.

Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado oo uu ka soo qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha  Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa Kuxigeenka Safiirka Kenya ee Soomaaliya waxaa lagula Wareejiyay haweneydii Ciidamada Galmudug ay soo badbaadiyeen.

Safiir Kuxigeenka Kenya u fadhiya Soomaaliya oo Goobta ka hadlay ayaa u Mahadceliyay Ciidamada Galmudug ee soo badbaadiyay haweeneyda Kenyanka ah ee Maanta lagu Wareejiyay.

Sidoo kale Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka Go’an tahay la dagaalanka Burcadbadeeda iyo Al-shabaab islamarkaana aysan Ogolaan doonin in Galmudug lagu dhibaateeyo Dadka aan waxba galabsan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Xaashi Carabey oo Burcad Badeeda ka Hadlaya