Xarakada Al Shabaab oo soobandhigtay liiska dadkii kugeeriyooday Qaraxii.

0

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magacyada xubno ay sheegtay in ay ku dishay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaasi oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 20.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha ay Shabaab tilmaamtay in ay ku dishay weerarkaasi iyo xilalka ay sheegtay in ay hayeen.

C/Qaadir Xasan Cabdi oo ahaa xildhibaan katirsanaa dowladdii Shariif Sheekh Axmad.

Cali Cadde oo ahaa agaasime wazaaradeed.

C/Risaaq Gaadaco oo kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

C/Fataax oo ahaa xubin katirsan wasaaradda Dastuurka ee dowladda federaalka.

Maxamed Nageeye oo ahaa sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Cawil oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada

Ibraahim C/Raxmaan oo kamid ahaa wasaaradda Dastuurka.

Xubnaha ay Al-Shabaab sheegtay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda.

Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ah wasiirka xanaanada xoolaha ee maamulka HirShabeelle.

Yuusuf Cali Ceynte oo isaguna ah Xillibaan hore.

Maxamed Deeq oo ah agaasime wasaaradeed katirsan wasaaradda Kalluumeysiga.

Guulleed oo kamid ahaa saraakiisha Police-ka.