Somali News

Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Maamulka galmudug Mudane Qoorqoor Oo

Guddiga qaban-qaabada Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa shaaciyay in dib loo dhigay Xaflada Caleemo-saarka sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa la sheegay in kadib markii ay qiimeyn ku sameeyeen xaaladda dalka uu galay ay Go’aan ku gaareen in dib loo dhigay Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo lagu waday inay dhacdo 26-ka Maarso 2020.

Qoraalka Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in xaflada Caleemo-saarka la qaban doono waqtiga ku habboon, kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga Qabanqaabada Caleemo-saarka Qoorqoor.

Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020.

Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn.

Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19.

Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon.

Madaxtooyada Galmudug waxay muddo gaaban gudaheed faahfaahin rasmi ah ka bixin doontaa howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.

Related posts

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Maamulkiisa Uu wada hadal lagali doono Maamulka Ahlu-sunna ee Gobolada dhexe

Tifaftiraha K24

SAWIRRO: Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Mudane Cali ciid oo kulan laqaatay.

admin

Dhageyso: Hey’addaha Gar gaarka iyo Saraakiisha Dowlada ee Bartamaha Soomalia oo ka digay Abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan

admin