Xaflad lagu soo dhaweyn rabay Ciyaartoyda 17-jirada oo la Baajiyay

0

Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena ee ka soo laabtay dalka Burundi ayaa xalay qorshuhu ahaa in loo sameeyo xaflad casho sharaf ah balse waxaa la shaaciyey in la baajiyey.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa la filayay in ciyaartoyda ay u sameyso xaflada balse warar ay heshay dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in la baajiyey.

 

Weli sidhab ah looma shaacin cidda baajisay iyo sababta loo baajiyey xafalada casho sharafta aheyd,balse waxa ay ku soo aadeysaa xilli shalay markii ay soo gaareen muqdisho la arkayay iyaga oo mooto bajaaj guryahooda ku aadaya taas oo carro Dad badan dhalisay.

Xulka 17-jirada qaranka Soomaaliya ayaa Axadii waxa ay dalka Burundi kula ciyaareen xulka dalka Tanzania, iyaga oo tartanka bariga iyo bartamaha ay kaalinta labaad ka galeyn.