Animation

Xaaladda Caabudwaaq Maanta Waa Sidee Kadib Dilalkii Qorsheysnaa Ee Shalay Ka Dhacay (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Thursday September 8, 2016 - 7:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaalada magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa saaka dagan ka dib markii xalay lagu dilay Nabadoono, dad shacab ahna lagu dhaawacay.

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Caabudwaaq waxa ay ku dileen 2 Nabadoon midkale dhaawac ayaa soo gaaray .

Waxaa sidoo kale xalay degmada Caabudwaaq lagu dhaawacay 7 qof oo shacab ah oo 2 kamid ah ay dumar yihiin.

Ciidanka ammaanka maagaalada Caabudwaaq ayaa xalay degmada ka sameeyay howgallo lagu baadigoobaayo kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoonada.

Waxgaradka gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabudwaaq ayaa bilaabay dadaalo lagu doonaayo in arinta lagu xaliyo madaam la sheegaayo in ay salka ku hayso aanooyin qabiil.

Nabadoon Khaliif Cabdi Aadan ayaa sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonaayo in lagu dejiyo xiisada ka taagan degmada Caabudwaaq.