Animation

Xaalada Magaalada Caabudwaaq Oo Caawa Degan Kadib Dagaal Maanta Ka Dhacay.

no responses
Thursday November 3, 2016 - 6:36 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Xaalada magaalada Caabudwaaq Ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud Ayaa degan caawa kadib dagaal maanta ka dhacay. Lix qofood oo midi ay dumar tahay ayaa ku dhintay in kabadan dhowr iyo tobon qofna way ay ku dhaawacmeen kadib markii saaka barqadii uu dagaal ka qarxay gudaha magaalada kaasi oo u dhaxeeya laba malershiya beelood waxaana uu dagaalkan ku salaysan yahay Aanooyin qabiil.

Dagaalka oo istaagay galinkii danbe ee maanta ayaa wali waxaa jira cabsi laga qabo in markale uu bilowdo maadaama ay wali is horfadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamayey.

Qaybaha kala duwan ee bulshada sida culima owdiinka, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo maamulka magaalada ayaa ugu baaqay beelahan walaalaha ah in si shuruud la’aan ah ay dagaalka ku joojiyaan islamarkaana wada hadal ku dhameeyaan wixii ay kala tabanayaan.

Bilowgii sanadka ayaa magaalada Caabudwaaq waxaa ka bilowday dilalka Aanooyinka Qabiilka ah waxaana lagu dilay magaalada in ka badan Labaatan qof.

Mana jirto cid ilaa iyo hada u istaagtay joojinta dilalkaas marka laga reebo dadaalo nabadeed oo ay qaybaha kala duwan ee bulshado wado.  Dagaalkii Maantaa ayaa saameyn ku yeeshay isusocdkii bulshda iyado la xiray dhamaan goobihii ganacsiga iskooladii.