Somali News

Xaalad kacsanaan ah oo ka Taagan magaalada Jigjiga

Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ka taagan tahay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiisada ayaa salka ku heysa khilaaf dhinaca maamulka ah oo u dhexeeya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ahaa ku rasaaseeyay magaalada Jigjiga, iyadoo ay ku dhinteen illaa labo Qof oo rayid ahaa.

Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda fara gelin ay sheegeen in dowladda federaalka Itoobiya ay ku heyso ismaamulka Soomaalida dalkaasi.

Related posts

Maxkamadda Sare ee Puntland oo Maanta dhageysanaya Dacwad u dhaxeysa Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng Cameey

admin

TOP NEWS: Dhageyso Weerar culus oo Xalay lagu soo qaaday Saldhig ay Ciidamada Galmudug ku leeyihiin Magaalada Galkacyo Yaase kusoo qaaday????

Tifaftiraha K24

Muuqaal: Daawo Maxaadan Ogeyn Oo Ka Cusub Magaaladda Baardheere???

admin