Xaaf “Qolyihii Dirirtu nagala dhaxeysay xabad Joojin baan la galnay arimaha kalana hoos ayaan uga hadleynaa”

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib ka qeyb galkii xafladii Caleemo Saarka madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Xaaf oo dadweyne badan kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Garowe uu ahaa mid Wanaagsan iyo is Afgarad kusoo dhamaaday.

“Annagu qolyaha koley dirirtu nagala dhaxeysay “Dowladda” Xabad joojin ayaan gaarnay, waxyaabaha kalana hoos ayaa looga hadli doonaa”ayuu yiri madaxwyne Xaaf  oo maanta tagay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf, wuxuu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay hadda isku soo dhawaadeen oo isfaham uu dhexmaray, islamarkaana lasii wadi doono wadahadalka.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana halkaasi ay ku yeesheen kulamo gaar gaar ah.

Kulamadaasi iyo khudbado odayaasha dhaqanka ka jeediyeen magaalada Gaalkacyo ayaa wax badan badalay aragtiyadii madaxda dowadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, waxaana xigay kulamo ay ka qeyb galaan madaxdii hore ee dalka.