Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Xaaf oo dalbaday in la joojiyo howlaha Dhuusamareeb ka socda

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo dhamaan howlaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb, beelaha Galmudugna iskugu yimaadaan shir cusub oo dib u heshiisiineed.

Hadalka Xaaf ayaa yimid ka dib markii guddigii doorashada Madaxweynaha Galmudug ee uu ansixiyey baarlamanka Galmudug ay u kala jabeen labo garab, ayna ahlu suna qaadacday doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyagoo ku eedeeyey DF iney doorashada afduubteen.

Xaaf ayaa sidoo kale u soo jeediyey dhamaan dhinacyada Galmudug, sida siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo hogaanka Ahlu sunna iney isaga uga dambeeyaan arrimaha Maamul dhisida Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo ka baxay heshiiskii uu la galay DF ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada dhismaha maamul kale oo Galmudug, wuxuu magacaabay xildhibaano, isagoo halkaas ka abaabulaya doorasho uu doonayo inuu isku caleemo saaro mar kale.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAAF OO DHAMEYSTIRAN

Related posts

Madaafiic Lagu Weeraray Saldhiga Ciidanka Jubaland Ee Baar Sanguuni

Mohamed Abdirashid Abaajo

Sanbaloolshe’’ Madaxweynaha Balan ayuu iiga baxay, si xun ayaana la iila dhaqmay ‘’

admin

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda Ee Sannadka 2019+Sawirro

admin