Animation

Xaaf “Hishiiska Galmudug Iyo Ahlu-suna Waxuu Meesha Ka saarayaa Cabsida Alshabaab”

no responses
Wednesday December 6, 2017 - 4:25 under Somali News by sudani
mqdefault
Spread the love

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in heshiiska Hordhaca ah uu la gaaray Maamulka Ahlu Sunna uu u baahan yahay in lagu dhaqaajiyo dhameystiridda inta ka dhiman oo ah in labada dhinac la mideeyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Beesha Caalamka, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada looga baahan yahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dhameystirka Heshiiska si loo arko Galmudug ay ka Muuqato Ahlu Sunna oo la mideysan.

Howlaha la dagaalanka Al-Shabaab waxa uu sheegay in heshiiskaan uu meesha ka saaraya cabsi ah in ay kusii sugnaadaan Gobolada Dhexe ee dalka.

Waxyaabaha u muuqanayo ayuu tilmaamay in ay tahay Neecaaw Nabadeed, balse waxa uu ku baaqay in laga faaiideystay fursadaha soo ifbaxaya sida uu hadalka u dhigay.

Doorka Dowladda iyo Beesha Caalamka kaga furan arrintaan ayuu ku sheegay in ay tahay dhiira gelinta Labada dhinac, taageerista waxyaabaha ay u baahan yihiin inta uu socdo wada hadalka.

Dowlad Goboleedyada ayuu iyane sheegay in Kaalinta ugu furan in ay tahay in ay qadarin u Muujiyaan Galmudug iyo Ahlu Sunna si ay heshiiskooda u dhameystaan.

Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa kulamo labo Waji yeeshay ku yeeshay Wadamada Kenya iyo Jabuuti, waxaana Gar wadeen ka aheyd urur Goboleedka IGAD, labada dhinac ayaa kala saxiixday Heshiisyo Hordhac ah, waxayna sheegeen in ay ku dhameystiri doonaan Magaalada Dhuusa Mareeb sida labada dhinac ay sheegeen.

Facebook Comments