World Bank oo mashaariic horumarineed u ballan qaaday gobalka Banaadir

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed Finish ayaa shir gudoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda Bankiga Aduunka kaas looga hadlayay horumarinta mashaariicda lagu dhisaayo wadooyinka Caasimadda iyo xarumaha danta guud.

Cumar Filish ayaa Bankiga aduunka uga mahadceliyay doorka ay ka qaadatay in dib u dhiska Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ka soo kabanayso marxaladihii burburka ee dalka soo maray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu kala hadlay madaxda Bangiga Aduunka in maamulkiisa ay ka caawiyaan dib-udhiska wadooyinka si loo soo celiyo bilicdii Caasimadda.

Wakiilada Bankiga aduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankooda balan qaaday in ay dowlada hoose ee Xamar ka caawin doonaan mashaariic kaste oo lagu horumarinaayo magaalada Muqdisho.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa iskugu jira kuwa Xiran iyo wadooyinka qaar oo burbursan dib u dayctirna aan helin waxaana Gudoomiyahu sheegay in la furayo wadooyinka Xiran ee Magaaladda Muqdisho si loo fududeeyo isku isku socodka gaadiidka Muqdisho.