Wiil uu dhalay Amiirka Alshabaab Axmad Diiriye oo Lagu Dilay Howlgal qorsheysan oo ka dhacay ….

0

Wiil uu dhalay hogaamiyaha Alshabaab axmad diiriye oo loo yaqaan Abuu Cubeyda ayaa la sheegay in Lagu dilay Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha Ciidamada gaarka u tababaran ee Danab ayaa sheegay in Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay dagmada kuntuwaareey lagu dilay xubno uu kamid yahay wiil uu dhalay hogaamiyaha Alshabaab Abuu Cubeyda.

Wiilka uu dhalay hogaamiyaha Alshabaab ayey saraakiisha xoogga dalka magaciisa ku sheegeen Xasan axmad diiriye waxaana lala dilay saraakiil kale oo magacyadooda lagu sheegay Yuusuf Macalin Cabadalla iyo Maxamuud Maxamad Nuur oo loo yaqaan ( Faruur).

Saraakiisha xoogga dalka weli ma aysan sheegin saraakiisha la dilay xilalka ay shabaabka ka hayeen sidoo kale howlgalkaan weli kama aysan hadlin Alshabaab.