Wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe oo lagu dilay Dalka Suuriya Isagoo ka bar bar dagaalamaya Daacish

no responses
Saturday January 13, 2018 - 4:43 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wiil uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID oo kamid ahaay dagaalyahanada kooxda daacish ayaa lagu dilay wadanka Suuriya.

Xuseen Faysal Cali Waraabe oo hargeysa ka tagay sanadkii 2013-kii kuna biiray kooxda Daacish Ama ISIS isagoo markaa ka yimid dalka Finland oo uu degenaay ayaa la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya 29-kii bishii December, 2017-kii isagoo xiligaas u dagaalamaayay Kooxda isku magacowday khilaafada islaamka ee ka dagaalanta Dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Cali Faysal Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Xuseen ayaa sheegay in loo malaynayo in wiilkoodu ku dhintay duqayn diyaaradeed.

Feysal cali waraabe guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID weli kama uusan hadlin wararka sheegaya in wiilkiisa lagu dilay dalka suuriya isagoo ka bar bar dagaalamaayay kooxda argagaxisada ah ee Daacish.

Facebook Comments