Somali News

Wiil Somali oo laga helay Coronavirus

Dalka Jarmalka waxaa uu ka mid yahay dalalka ku yaal qaaradda Yurub ee la daalaa dhacaya dhibaatada ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee corona ee faraha ba’an ku haya dalal ka badan 150.

Dalkaas Jarmalkana waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo qaar ka mid ah la sheegayo in laga helay cudurka Corona.

Maxamed Cabdi Jaamac, oo ku nool magaalada Hamburg ee waddankaas, ayaa markii cudurkaasi laga helay kaddib inooga warramay wada uu maray markii cudurkan lagu sheegayay.

“Isbitaalkii baan tagay dhacaan bay iga qaadeen kabacdi xaafadaan iska aaday oo annagaa ku soo wacayno ayey dhaheen, ileen jawaabta waxa ay qaadanaysaa 24 saacadood, marka waxyar bay kuu dhiibayaan guuntaad iska galinaysaa waad ku celinaysaa, annagaa ku soo wacayno ayey igu dhaheen oo numbar ayey iga qorteen, hadda dhaw bay isoo waceen oo cudurkii baad qabtaa bay igu dhaheen, laba todobaad waa inaad gurigaaga joogtaa oo aadan bixin.”

Maxamed ayaa waxa uu inooga warramay calaamadaha uu isku arkay ka hor inta uusan baaritaanka samayn: “Waxaan isku arkay riiraxyo iyo dhuunta oo i xanuunayso, kabacdi hergab inuu yahay baan aaminay, waxaan dareemay wareer, dhegaha oo i xanuunaya, labada dhafoor oo aad ii xanuunaya, tabar darro qufac iyo qandho aan jirkayga ka baxayn.” ayuu yiri Maxamed.

“Markasta waxaan dareemayay in waxan uu yahay wax hergab ka wayn ileen hergab weligay afar maalmood ka badan lama xanuunsan, marka waan dareemay waxan inay yihiin wax aan caadi ahayn sidaas darteed baana shaki igu jiray saddexdii maalmood ee ugu dambaysay shaki baa igu jiray sidaas ayaan keentay inaan dhakhtarka aado oo isa soo baaro.”

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Suldaan bayle oo Cawada baaq aad u culus u diray madaxweyne Farmaajo

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Xasan“ Xildhibaan Yusuf Dirir wuxuu ahaa howl-kar wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed

admin

BREAKING: Mas’uul ka tirsan dowladda oo lacag uu xaday darteed xabsi loo dhigay

admin