Somali News Top News

Waxbadan ka Ogow Socdaalka Batuulo Axmad Gaballe ee Magaalada Kismaayo+Sawirro

Wafadi ay hogaaminaayso gudoomihaya ururka haweenka qaranka Soomaliyeed Batuulo Axmed Gaballe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay qaar kamid ah uruka haweenka Jubaland oo ay ugu horeeyso gudoomiyaha ururka haweenka gobalka Jubada hooe Faadumo Aadan Kateela,

Wafadigan oo ay hogaamineysay gudoomiyaha ayaa waxay kamid ahaayeen gudigii loo xilsaaray in ay xaqiijiyaan in haween ay helaan boqalkiiba sodon hannaanka doorashada ee fooda inagu soo haysa waxaana  ay maalamahan soo sacda ay kulan laqaadan doonaan odayaasha dhaqanka Jubaland,

Ugu horeen waxaa goobta kahadashay Gudoomiyaha Uruka haweenka gobolka Jubada hoose Faadumo Aadan Kateela oo gudoomiyaha iyo wafadigeeda kusoo dhaweesay magaalada Kismaayo iyada oo sheegtay in ay aad ugu faraxsan yahiin imaatinkooda,

Qaar kamid ah xubanihii wafdiga gudoomiyaha ayaa iyaguna dhankooda kamahadceliyay soo dhaweeynta wanaagsan ee loo sameeyay,

Ugu danbeyn waxaa goobta kahadashay gudoomiyaha haweenka qaranka Soomaaliya Batuulo Axmed Gaballe  iyadoona sikooban oga warbixisay kawar bixisay ujeedka safarkooda,

Haweenka Soomaaliya ayaa doorashada soo socota loo qoondeeyey boqolkiiba sodon inay ka helaan doorashada nagu soo wajahan.

 

vlcsnap-2016-08-31-08h25m06s44 vlcsnap-2016-08-31-08h26m28s109 vlcsnap-2016-08-31-08h27m11s8

Related posts

DEG DEG: Ciidamo isugu jira mareykan iyo kuwa jubbaland oo goordhaw qarax culus lagula beegsaday duleedka magaalada….

Tifaftiraha K24

Daawo: Puntland oo Boosaaso kusoo Bandhigtay Xubno Isugu Jiray Shabaab iyo Daacish+Magacyadooda iyo Halka ay kasoo jeedaan

Tifaftiraha K24

Deg-deg: Maxaadan Ogeyn Oo Hadda Ka Taagan Magaala Xeebka Marka??

admin