Animation

Waxbadan ka ogoow sababta maareeyaha hey’adda duulista iyo saadaasha hawada soomalia u tagay wadanka…..+Sawirro

no responses
Saturday May 27, 2017 - 12:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Somaliyed (SCAMA) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo u joogo dalka Talyaaniga ayaa kullamo la qaatay madaxda Hay’adda Duulista iyo saadaasha Hawada wadanka Talyaaniga.

Booqashada Maareeyaha iyo wafdigiisu waxay ku saabsaneyd casuumad ay ka heleen ENAV oo ah Hay’adda duullista iyo Saadaasha hawada Talyaaniga, Wuxuu maareeyuhu kala hadlay tayeynta qalabka & shaqaalaha hawada Soomaaliya.

ENAV waxay ballan qaadeen in ay quburo noo soo diraan iyo tababaro shaqaalaha hawada Somaliya loogu qaado Talyaaniga.

Yuusuf Cabdi Cabdulle Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Somaliyed, ayaa sheegay inay isla meel dhigeen masuuliyiintii uu la kulmay sidii loo tayeyn lahaa qalabka lagu shaqeeyo.

Shaqaalaha Hawada Somalia, ayaa waxaa la siin doonaa tababaro ku aadan shaqada Duulista hawada Somaliya, sida uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duulista hawada Somaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee dalka Talyaaniga uu ku tago Maareeyaha Hay’adda Saadaasha hawada Somaliya, tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

Facebook Comments