Wax ka baro shaqsiyadda Guddoomiyaha Cusub ee M/Farmaajo u Magacaabay Maxkamadda sare ee Dalka

0

Guddoomiyaha cusub ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Maxkamadda Sare ee Dalka waxaa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa maamulka soomaliland waxaana horaantii sanadkaan 2018-ka loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda Somaliland balse wuu iska casilay xilkaas.

Sidoo kale Baashe wuxuu soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland.

Taariikhda waxbarasho.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qarreen iyo cilmi baare sharci.

Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.