Wax badan ka ogow qayb ka mid ah shaqada Farmaajo laga sugayo 100 maalmood ee ugu horaysa

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah waxa uu ula wareegay xilkaasi kadib munaasabad ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo waxaa maanta u bilaaban doona 100-kiisa maalin ee ugu horreysay, waxaana laga doonayaa wax qabad dhab ah oo u baahan geesinimo iyo wadaniyad.

Farmaajo 100kiisa maalin ee ugu horreysay waxa uu qaban doonaa shaqooyin aad u muhiim ah, waxaana kamid ah:

1- Magacaabista wasiirkiisa Koowaad (Ra’iisul wasaare)

2- Dhismaha xukuumad Tayo iyo Karti leh

3- Gurmadka degdegga ah ee abaaraha dalka ka jira

4- Habeynta degdegga ah ee ciidanka xoogga dalka

5- Mushaar bixinta ciidamada Qaranka

6- Bilaabista xoreynta dhulalka Shabaab haystaan

7- Sameynta Garsoor Cadaalad ah

8- Furista dhammaan waddooyinka ka xiran Shacabka

9- Lacag siinta ciidankii naafada xoogga dalka, fanaaniinta, iyo waxgaradka ku howlan siyaasadda dalka

Hadaba Madaxweynaha ayaa 9-kaasi qodob iyo kuwo kale oo badan qaban doona 100-kiisa maalin ee ugu horreeya, waxaana loo maleynayaa in dhammaan uu u qaban doono sida ugu macquulsan.