Somali News Top News Xulashada K24

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Puntland oo maanta gaaray Tukaraq iyo Xiisad cusub

Degaanka weli xiiasadiisa colaadeed ay weli sii jiitameyso ee Tukaraq kana tirsan Gobolka Sool ayaa maanta waxaa gaaray wafdi ka tirsan Maamulka Puntland oo isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano.

Wafdigan ayaa kormeeray fariisimaha Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin degaanada ka tirsan Gobolka Sool gaar ahaan aagga Tukaraq, iyaga oo ku dhiirageliyay in ay difaacaan dhulka Puntland.

Wasir ku xigeenka Caafimaadka Puntland  Dr. Faarax Maxamed Warsame oo ka mid ah wafiga ayaa sheegay Somaliland xiisada Tukaraq sida ay u fahmeen in aysan aheyn, welina ay dhowrayaan derisnimada, balse Puntland aysan marnaba aqbaleyn in lagu soo xadgudbo xuduudeeda.

Sidoo kale waxaa warbaahinta hadal siiyay Korneel C/wali Cali shire oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka Gobolka Sool ee Puntland, wuxuuna sheegay Somaliland in jawaab sax ah ay heli doonto waqti dhow.

Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan hadii aanay Somaliland joojin faragelinta Puntland ku heyso in ay heli doonto dagaal gacan ka hadal ah oo dhiig uu ku daato, wuxuuna shacabka Puntland ugu baaqay in ay diyaar garoobaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka DFS Oo baaq u dirtay Maamuladda Somaliland iyo Puntland.

Ahmed sudani

DEG DEG: Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo hadda lagu dhawaaqay

admin

DEG DEG: Magaalada Galkacyo oo Dagaal qarka u saaran iyo Maleeshiyo Hub aruursi wada wararkii ugu dambeeyay ee Hada la helaayo

Tifaftiraha K24