Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu soo gabagabeeyay shir Saddex maalin ka socday Caasimada, kaasoo ay ka qeybgaleen xubno ka socday dowladda, Maamul goboleedyada, Ganacsatada iyo Shirkadaha wax soo saarka ee dalka.

Shirka oo uu maanta soo xiray Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xuseen Maxamuud sheikh Xuseen waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka socday Bankiga Aduunka iyo hay’ada dhinaca beeraha ee Qaramada Midoobe ee FAO.

Shirkaan waxaa looga hadlaayay dejinta qorshaha hormarinta xoolaha Soomaaliyeed, iyadoo wasiiru sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee dib u eegis lagu sameeyo burburkii kadib qorshaha hormarinta xoolaha Soomaliyeed loona diyaariyay istaraa tiijiyad dhamaystiran oo laga wada tashaday.

Halkan Hoose ka Aqriso Khudbadii Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee xiritaanka SHirka:

Mudanayaal Iyo Marwooyin

Waxa farxad weyn ii ah inaan maanta idin kala soo qeyb galo xiritaanka kulankii halkaan uga socday muddadii saddexda maalmood ahayd qaar ka mid ah wasaaradaha Federaalka iyo Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dowlad goboleedyada , Ganacsatada, Shirkadaha wax soo saarka Xoolaha , bangiyada , xirfadleyda caafimaadka Xoolaha, Jaamacadaha, iyo machadyada cilmi baarista, iyadoo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, isla markaana ay taageero buuxda ka helaysay hayadaha Bankiga Aduunka iyo FAO.

Waxa aan aaminsanahay inaad dhammaantiin si hufan uga qeyb qaadateen, oraahdiinana isku weydaarsateen si loo turxaan bixiyo dhibaatooyinka jira, baahida jirta iyo fursadaha jira ee lagu soo bandhigay istaraatiijiyada , dhammaana aad ka qeyb qaadateen. Waxa aan jeclaan lahaa inaan fursaddaan uga faa’iideysto inaan mar labaad u mahad celiyo hayadda FAO iyo Bangiga adduunka caawinaada ay u fidiyeen hirgalinta iyo ansixinta istaraatiijiyadan qabyo qoraalka ah oo lagu horumarinayo xoolaha Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa aan u mahad celinayaa dhammaan ka soo qeyb galayaasha oo ay ugu horreeyaan Wasiirada X.X ee Dawlad goboleedyada.

Sida badankiin aad xusuusataan, hawshan aad saddexda maalin u fadhiseen oo aan halkan maanta ku gabagabeyneyno ee ah dhammaystirka , qiimaynta iyo ansixinta qabyo qoraalka istaraatiijiyada horumarinta xoolaha Soomaaliyeed oo aan si wadajir ah u soo billawnay sanadkii hore, dhammaantiina aad ka soo wada qeyb qaadateen la tashiyadii ballaarnaa ee dhexmaray Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Federaalka iyo Wasaaradaha dowlad Goboleedyada, wada tashiyadaas oo ka kala dhacay goobo kala duwan oo dalka gudihiisa ah.

Waa markii ugu horreysay ee lagu sameeyo dib u eegis buuxda istaraatiijiyada horumarinta Sectorka xoolaha Soomaaliyeed, loona diyaariyey istaraatiijiyad dhammays tiran oo laga wada tashtay ,ayna garwadeen ka tahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo daaqa dowladda federaalka Soomaaliyeed illaa iyo sanadkii 2004, waqtigaas oo uu Bangiga adduunka, FAO iyo Midowga Yurub ay diyaariyeen istaraatiijiyad xoolaha Soomaaliyeed , laakiin aan la ansixinin, sidoo kalana aysan dowladdii ku meel gaarka waqtigaas aysan dhaqan gelin.

Mudanyaal iyo Marwooyin

Saddexdii maalmood waxa la soo bandhigay soo jeedinno kala duwan oo ay soo jeediyeen khubaro ka kala socotay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha , Dhirta iyo Daaqa , FGS , iyagoo wada shaqayn ka helayey khubarada FAO iyo WB iyo soo jeedin khubaro ka socotay WB oo soo diyaariyey daraasad la xiriirta caymiska Xoolaha, Soo jeedinadaas waxa ka mid ahaa;

1. Aragtida fog ee istaraatiijiyadu ay dabooleyso mustaqbalka iyo soo nooleynta secterka Xoolaha ee Jamhuueiyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Nafaqada iyo wax soo saarka Xoolaha

3. U Helista xoolaha Daaqsin, Biyo iyo Calaf

4. Caafimaadka xoolaha iyo Xakamaynta Cudurada

5. Ganacsiga iyo Suuqgeynta Xoolaha

6. Wax soo saarka xoolaha iyo ka fiidaysigooda

7. Daraasad Caymiska Xoolaha (Livestock Insurance in Somalia)

Mudanayaal iyo Marwooyin

Laga billaabo maanta waxa aan u hawl gali doonaa sidii macluumaadkii la ururiyey saddexdan maalmood loogu dari lahaa istaraatiijiyada , Wixii halkan ka soo baxayna aan horgeyn doono golaha wasiirada ,sida uu inaga codsaday Raiisul Wasaaraha Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Kheyre, kadibna ay istaraatiijiyadan noqon doonto mid dhammeystiran oo u horseeda qeybta xoolaha iyo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed horumar la taaban karo tobanka sano ee soo socota.

Gabagabadii, waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa khubarada ka socotay Wasaaradda xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha , Dhirta iyo Daaqa.