Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Dhrta Daaqa JFS Mudane Hussein Mohamud Ayaa Ka Qeyb Galay Shir Calami ah Ee Ka Dhacay Dalka UK

0

Wasiir Wasaaradda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Somalia
Mudane Hussein Mohamud Sheikh Hussein ayaa maal mahaan safar shaqo ku joogay wadanka UK magaalo madaxdiisa London, halkaas oo ay kaga qeyb galayan furitaanka shir caalami ah oo ay Dowlada UK marti galineysay kuna saabsanaa Ciribtirka ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta .
Shirkaasoo ay kasoo qeybgaleen hoggaamiyeyaasha Beesha caalamka si ay uga caawiyaan ciribtirka ganacsiga duur-joogta sharci darrada ah iyo in la ilaaliyo noocyada duurjoogta ugu caansan dunida Simarkaasi Looga Hortago ee khataro Soogaara Durjoogta.

Ugu dambeyntii shirkaas oo ahaa marka ugu horeysay ee Dowladda Soomaalia lagu casuumo Wasiirka Ayaa soo dhaweyn balaaran kala kulmay Dowladda UK gaar ahaan Xoghaayaha Arrimaha Dibadda (Secretary of State for Foreign and Commonwealth Affairs of UK) Hon.. Jeremy Hunt, halkaaso kulamo gooni gooni Wasiirku la yeeshay hoogaamiyaasha kale ee kasoo qeybgalay shirkaas, kasoo ku dhamaaday guul iyo reynreyn.