Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan: Sheekh Nuur Maxamed Xassan waxaa dalka sacuudiga   ugu bilawday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono

0
Warning: sizeof(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-content/plugins/ad-injection/ad-injection.php on line 824 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-content/plugins/ad-injection/ad-injection.php on line 831
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan: Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 23/12/2018 kuna beegan 16/04/1440 Hijriyada, waxaa dalka sacuudiga   ugu bilawday booqasho rasmi ah oouu maalmo kujoogi doono
Wasiirka iyo wafdigiisa aya waxaa soo dhawyay  Wasiirka Xajka & Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad, Soodhawyn kadib  ayaa  Masuuliyiinta yeeyashay kulan qaatay saacado badan
Kulanka labada wasiir oo ahaa kulan aad muhiim ugu ah Soomaaliya waxaa looga wada hadlay Arrimaha Xajka,
Dowladaha Somaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi arabia ayaa kuhishiiyay qodobo badan oo dhamaantood quseeya waxaa kamid ah in lakordhiyo tirade dadka Soomaaliyed ee sanadka soocoda gudandoona waajibaadka Xajka
Tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soosocda xajin doona waxaa lagudaray 2,200 qof taas oo ka dhigan in tirada xujaajta soomaalida sanadkan noqonayaan 11,500  halka sanadkii hore 9,300 oo qof oo soomaali ah ay xajiyeen
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan: Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa  shegay in Xujaayda Soomaaliyeed loo ogolaado in Mina lagiliyo
Sidoo kale Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xassan  ayaa  inta uu joogo Sacuudi Arabia Sheegay  in uu lakulmi doono Mu’asasada carabta oo qaabilsan adeegyada xujayda soomaalida.