Somali News

Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo hortagaya Xildhibaanada Aqalka Sarre

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulankoodii caaadi ahaa iyagoona ooga doodaya ajandayaal dhowr ah oo uu kamid yahay Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda Guud iyo inay Akhrinta 3aad marsiiyaan Hindise-sharciyeedka Shirkadaha oo ay horay sanetarada usoo marsiiyeen aqrinta 1aad iyo 2aad.

Xildhibaanada intay ku gudo jiraan Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda Guud waxaa lafilayaa in uu hortago wasiirka wasaarada Maaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle si ay suaalo ooga weydiiyaan.

Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka wasaarada maaliyada ayaa horey u hortagay xildhibaanada golaha shacabka si uu warbixin ooga siiyo hanaanka maaliyada iyo deyn cafinta dalka halka ay mareyso.

Related posts

DEG DEG: Alshabaab oo goordhaw shaacisay waqtiga rasmiga ah ee la soomi doono

Tifaftiraha K24

DEG DEG : Duqayn culus oo ka dhacday Duleedka Baardheere.

admin

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Shacabka iyo Madaxda Dalka Kuweyt

Ahmed sudani