Animation

Wasiirka Maaliyadda oo shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare kheyre uu horgeyn doono…..

no responses
Monday November 13, 2017 - 12:15 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.

Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.

” Waxaan isku diyaarina in aan horgeeyo Madaxweyne Farmaajo & Ra’isul wasaare kheyre. Misaaniyada 2018 ka dib na waxaan horgeyn donaa Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan waxaan rajeyna in Misaaniyada cusub ay noqoto mid wax ka qabto baahiyaha Dowlada.” ayuu bartiisa kusoo qoray wasiir beyle.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.

Sanadka cusub ee 2018ka ayaa waxaa ka harsan oo kaliya 1 bil iyadoo,waxaana lafilayaa in Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay dhawaan wajihi doonaan meelmarinta miisaaniyadaasi oo muhiim u ah howlaha dowladda.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.