Animation

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo shirar kala duwan la qaatay masuuliyiin katirsan dowlada Finland SAWIRO

no responses
Friday October 23, 2015 - 8:55 under Breaking News by admin
mqdefault

Wasiirka ganacsiga iyo war shadaha Puntland Abdiweli Hersi Indhoguran ayaa 21.10 safar shaqo kuyimid dalka Finland kadib markuu casumaad ka helay dalada qurbajoogta Puntland ee Finland.
Wasiirka ayaa beryahaanba safar shaqo ku maraayay qeybo kamid ah Waqooyiga Yurub.

Wasiirka ayaa wuxuu Shalay kulan la qaatay saraakiil katirsan wasaarada arrimaha dibeda ee Finland, saraakiishaas oo isagu jirtay danjirihii hore ee dalka Sambia, agaasimaha waaxda geeska Afrika iyo xoghayahiisa. Wasiirka oo ay weheliyaan wakiilka Puntland ee Finland C/fatax C/laahi Jamac Janagale iyo gudoomiyaha dallada ururrada Puntland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa kulanka wasaarada arrimaha dibedda kala hadlay xaalada guud ee Puntland iyo fursadaha maalgashi ee Puntland iyo qaab ka ugu haboon ay qurbajoogta Puntland iyo dowlada Finland u taageeri karaan horumarka iyo maalgashi ga Puntland.

 

Click here to Reply, Reply to all, or Forward
11.93 GB (79%) of 15 GB used