Somali News

Wasiirka difaaca Itoobiya oo si adag uga hor yimid qorshe uu wato Abiy Axmed

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wada qorshe uu ku baabi’inayo isbahaysiga haya talada dalka Itoobiya, xili doorashada dalkaasi ka dhaceysa ay ka harsan yihiin bilooyin.

Qorshaha uu wato Abiy Ahmed ee lagu baabi’nayo isbaheysa talada haya laguna dhisayo mid cusub ayaa waxaa kahor yimid xubno sar sare oo katirsa Xukuumada Itoobiya uu hogaamiyo Abiy Ahmed.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Lemma Megerssa oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xasilooni darrada dalka ka jirta ay la macno tahay inay tahay waqti aan habbooneyn la abuuro xisbi cusub.

“In xisbigan lagu milo kuwo kale ma ahan waqtigeeda, waxaa jira halis badan. Waxaan ku jirnaa xilli kala guur iyo  waqti aan soo amaahanay, waxaan wajahaynaa dhibaatooyin badan oo dhincyo kala duwan ka imanaya.” ayuu yiri Lemma Megerssa.

Lemma ayaa iminka booqasho ku jooga Mareykanka isaga oo la socda wafdi ujeedkiisu yahay inay xoojiyaan xiriirka dhanka gaashaandhigga ah ee ka dhaxeeya labada waddan.

Bishii November, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in isbahaysiga talada haya ee EPRDF la baabi’in doono islamarkaana uu noqon doono hal xisbi oo cusub oo lagu magacaabo Prosperity Party.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha isbahaysiga codbixin ku taageereen is-beddelka.

Kowdii December, Abiy ayaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku qabtay xaflad loogu dabaal degayo xisbiga cusub, waxaana uu sheegay “inuu diyaariyey barnaamij cad, sharci iyo qorshaha 10-ka sano ee soo socda kaasi oo Itoobiya ku hoggaamin doona baraare”, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

Related posts

XOG DEG DEG AH: Kismaayo24 oo Goordhaw Heshay Xiliga lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada Hirshabeelle

admin

TOP NEWS: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Ciidamada Jubbaland ay ka Sameeyen Deegaanka Buulo-gaduud oo 30-KM u jirta Magaalada….

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso: Axmad Madoobe oo Farta ugu fiiqay Xildhibaanada Cusub Madaxweynaha ay….

Tifaftiraha K24