Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News

Wasiirka Awq iyo Arimaha Diinta DFS oo Jabuuti ka Daah-furay shir looga hadlayay ka hortagga Fakarka Xagjirka

waxaa maanta magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ka furmay shir looga hadlaayay Hannaanka ka Hortagga & ka Feejignaanta Fekerka Xagjirka ah. shirkan oo uu si rasmi ah u furay wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta XJFS isaga oo sheegay muhiimadda ay leedahay in si’ miyir leh looga hortago fekerka xagjirka ah oo aafeeyay Dalka & dadka Soomaaliyeed 15 sano ee ugu dambeeyey. wasiirka ayaa xusay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaalllanka fekerka qalloocan ee argagixisada isaga oo carrabka ku adkeeyay in Wasaaraddu ka go’antahay in shacabka soomaaliyeed loo cadeeyo in xagjirnimadu aanay sal & raad midna ku lahayn Diinta Islaamka. Waxaa uu wasiirku sheegay in wasaaradda ay xooga saartay sidii loo fulin lahaa wacyigelin Bulsho oo ka dhan ah Fekerka xagjirka ah. waxaa uu wasiirka ugu dambayn u mahadceliyay Dowladaha Jabuuti, Japan & ururka IGAD.Commander Abebe oo ah Muluneh Beyene oo ah madaxa qaybta Nabadgelyada ee IGAD sidoo kale xusay kaalinta iskaashi ee Dowladda Soomaaliyeed & Qaybta Nabadgelyada Ururka IGAD isaga oo aad usoo dhaweeyay aragtida Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ee ah in Fekerka Qaloocan looga hortagi karo si’ xikmadaysan iyada oo laga faa’idaysano culimada Soomaaliyeed.shirkan oo socon doona muddo 12 maalmood oo ka qaybgalayaan 26 culimo & aqoonyahano soomaaliyeed ayaa la filayaa in uu wax wayn ku soo korhdin doono la dagaallanka Argagixisada.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Maamulka Dagmada mahadaay oo Beeniyay in Al-Shabaab ay shalay la wareegeen Deegaanka…

admin

Akhriso: War culus oo ka soo baxay Beesha uu ka dhashay Xildhibaan Axmed Taajir oo Kismaayo lagu xiray

admin

Akhriso: Taariikh kooban waa kuma xasan cali kheyre muxuu soo qabtay ? qabiilkee ka dhashay??

Tifaftiraha K24