Animation

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka C/maan Odowaa oo loo dhaariyay xubinimada baarlamaanka

no responses
Monday November 9, 2015 - 5:30 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Kulan maanta uu isugu yimid guddoonka baarlamaanka ayaa lagu dhaariyay xubinimada baarlamaanka wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo bedelay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo ka mid ahaa dadkii ku dhintey weerarkii Hotel Saxafi.

Kulanka baarlamaanka oo maanta ahaa in loogaga doodo sharciyada saxaafiyada ayaa intii uusan bilaaban waxaa guddoonka baarlamaanka uu ku dhowaaqay in loo dhaarinayo xubinimada baarlmaanka wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka C/maan Odowaa.

Beesha uu ka soo jeeday Xildhibaankii geeriyooday Abtidoon ay isku raacay in xubinimada Baarlamaanka lagu bedelo Wasiir Odawaa oo ay isku heyb ahaayeen.

Xubnaha baarlamaanka ee geeriyooda ayaa badankood waxaa bedeli jirey qof ehelo dhow ay yihiin qofka geeriyooday hase yeeshee bedelka Abtidoon oo uu bedelay Odowaa ayaa ka bedelan qaabkii hore loo bedeli jirey xubnaha baarlamaanka.
kismaayo24.com
abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments