Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeele Oo sheegay in Dib U Eegis lagu Sameynayo Degmooyin Uu Magacaabay Madaxweynihii Hore

no responses
Tuesday February 13, 2018 - 3:02 under Somali News by Ahmed sudani
mqdefault
Spread the love

Xilli Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Hir Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo degmooyin u magaacabay deegaanada Halgan,Ceel Cali iyo Far-libaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa Magacaabistaas kala laabtay Maamulka uu hogaamiyo Maxamed Cabdi Waare

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta markale sheegay in dib u eegis lagu sameynayo degaanadaas oo uu horey degmooyin ugu magacaabay Madaxweynihi hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble,Isagoo sheegay in xilligaan aysan dhameystirneyn wixii looga bahnaa in ay degmooyin loo aqoonsado.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Magacaabista deegaanadaas in ay noqdaan degmooyin ay uu go’aanka ugu dambeeyo yeelan doono Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabelle ayaa  waxa uu imaanayaa xilli Bishii Augusto Sanadkii tegay 2016kii uu deeganada Farlibaax Ceel-Cali iyo halgan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble.

Facebook Comments