Wasiirka Amniga oo waxlaga weydiiyey Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

0

Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo u warramayay Shabelle ayaa dalbaday in aan la siyaasadeyn amniga iyo howlgallada ka socda magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Nabadoonku in amniga uusan laheyn Muxaafid iyo Mucaarad, balse ay masuuliyad ka saaran tahay cid weliba.

Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu gacan siiyo sugida amniga iyo xasiloonida dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayay, xilli haatan DFS ay wado qorshe lagu xaqiijinayo amniga M/ Muqdisho oo mararka qaar weeraro ay ka geystaan Al Shabaab.