Wasiir xukuumadda kheyre ka tirsan oo ku dhawaaqay in uu is casilay kadib markii…+Sawirro

0

Kadib markii guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ay sharuud adag ku xireen wasiirrada isku soo sharaxa doorashada guddoomyaha baarlamaanka taasi oo aheyd in marka hore ay iska casilaan xilka wasiirnimo kadibna isa soo sharaxaan ayaa waxaa maanta istaqaalladiisa wareejiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

“Waxaan ahay mideeye aan kala qaybin-doonin xildhibaannada Golaha Shacabka iyo ilaalinta Midnimada Golaha guud ahaan, waxaan ahay garaad shir-guddoomiye kaliya ah, balse aan xilka ku gor-gortamaynin, waxaan ahay shaqsi ku fiican latashiga, sidaas aw-geed-na Xildhibaannadu haddii ay codkooda isiiyaan ma noqonayo nin u taliya, ee waan la tashan-doonaa mar-waliba, waxaan ahay nin difaaci doona go’aannada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay gaaraan mar-waliba, waana soodhawaynaya go’aannadooda, anigoo aanan ku dhibaynin mas’uuliyadda marka ay ii dhiibtaan oo ay iga aqbalaan codsiga aan la hortagi doono Haddii Alle idmo”ayuu yiri

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee istaqaalladiisa wareejiyay si uu u noqdo musharax guddoomiyaha baarlamaanka waxaana hadda ay farta ku gadan tahay xubnaha wasiirrada kale ee xilkaan isku soo sharaxay si ay iyagana istaqaallada ugu wareejiyaan Ra’isul wasaare kheyre.

Wasiirrada kale ee isku soo sharaxay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka waxaa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiirka Biyaha Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiir kuxigeenta Boostada Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yarow.