Wasiir Xoosh oo si kulul uga horyimid sharuudaha adag ee lagu soo rogay wasiirada isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha baarlamaanka

0
Xildhibaan Xoosh

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in aan loo baahneeyn in ay iscasilaan  xubnaha wasiirada ah ee u tarmaya gudoomiyaga golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Isagoo ka jawaabayay su’aal uu sheegay in Saaxibkiis uu soo weeydiiyay ayuu Wasiir xoosh bartiisa facebook u soo qoray in Wasiirada u hanqal taagaya qabashada xilka Guddoonka Golaha Shaacbka ayuu yiri looma baahna in ay xilka iska casilaan ilaa iyo inta ay kaga guuleysanayaan xilka Guddoonka Golaha Shacabka.

“Qof Wasiir ah ahna Xildhibaa waa inuu iska casilaa Wasiirnimada inta uusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka ? Maya, Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa gubattaa”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Guddiga Doorashadda ee gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Wasiiradda kusiga daneeynaya hordhiga shuruud ah in ay xilkooda iska casilaan ka hor inta aysan sameyn isdiiwaan gilinta musharaxnimo ee Af-hayeenka Golaha Shacabka.