Animation

Wasiir xoosh oo raali galin bixiyay iyo xildhibaanada oo maanta go’aan rasmi ah ka gaaraya arinta wasiirka

no responses
Saturday August 5, 2017 - 11:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh jabriil oo maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa raali galin ka bixiyey qoraal uu soo dhigan dhawaan bartiisa Twitterka.

Wasiirka ayaa sheegay in xubnaha Golaha Shacabka uu ka raali galinayo qoraalkaasi oo uu dhawaan kusoo qoray bartiisa Twitterka,

Khudbad uu Wasiirka ka hor-jeediyay Xildhibaanada ayuu ku dalbaday in laga cafiyo hadaladii ka soo yeeray, isla markaana uu raalli gelin ka bixinayo.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa aqbalay raalli gelinta Wasiir Xoosh, waxaana ay u fasaxeen inuu howlihiisa shaqo sii wato.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shir gudoominaya kulanka Golaha Shacabka,

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka carooday qoraalada uu Wasiir Xoosh ku qoray bartiisa Bulshada, waxaana ay ka keeneen mooshin ay ku dalbanayaan inuu ku hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo.