Animation

Wasiir Saacado ” Ciidankii ka dagaalamay Gaalkacyo waxay ahaayeen kuwo lagu soo tababaray Muqdisho oo sita Astaantii Qaranka Soomaaliyeed”

no responses
Sunday November 29, 2015 - 1:35 under Somali News by admin
mqdefault

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliya ee Warbaahinta Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in ciidankii shalay ka dagaalamay Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo laga keenay magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya ayna soo tababartay dowladda Federaalka .

“Ciidankii ka dagaalamay Gaalkacyo waxay ahaayeen kuwo laga soo diray Cadaado, waa ciidan tababar leh oo lagu so tababay Muqdisho, wata astaantii dowlada Soomaaliyeed, waxay ku dagaalamayeen baabuurtii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed, waana mid laga xumaado oo la muujiyo waxyaabaha ay ku keceyso dowaldda federaalka” sidaasi waxaa yiri Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland,

Wasiir Socade ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay warbaahita koonfureed hadal heysay saacadihii ka dambeeyay dagaalkii Gaalkacyo, kaas oo ku saabsanaa in dagaalka ka dhacay Gaalkacyo ay weerarkiisa marka hore laheyd dowladda Puntland.

“Waa waxba kama jiraan warkaas, Runtii Puntland Weligeed Gardarro ma sameyn hadana ma sameynin horay ayaa deegaanadeeda loo weeraray Hoobiyeyaalna lagu soo ridi jiray” Waxaa sidaasi ku beeniyay in dowladda Puntland ay ku horeysay dagaalkii shalay islamarkaana gardaro ku gashay dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in Dowladda Puntland la soo weeraray islamarkaana ay isdifaaceen ciidankuna qaadeen talaabadii ku habooneyd ayna gaareen guusheeda ayna haatan harsanayaan shacabka ku dhaqan Gaalkacyo Xasiloonida ay maanta heystaan.

Waxa uu difaacay wasiirku in Wadada ay horjoogsadeen dhismaheeda maleeshiyaadka Maamulka Galmudug ay tahay mid ku taala Waqooyiga Gaalkacyo oo ay masuuliyadeeda Puntland heyso, balse waxa ka carooday oo ka maseyray uu yahay maamulka dhowaan lagu aas asay degmada Cadaado .

“wadadu waxay ka mid tahay waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, waxay ka mid tahay 67wado oo ka mid ah gaalkacyo kuwaas oo ay dowladdu ku sameyneyso horumarin kana mid ah dib u dhiska dalka” waxaa sidaasi hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade,

Gaba gabadii Dowladda Puntland ayaa markasta u heelan ka shaqeynta Nabadgeliyada iyo Horumarinta dalka, waxaana aysan gorgortan ka galeynin cid kasta oo ku soo xad gudubta dhulka ay ku dhaadanayaan shacabkeeda.